Home | Wararka Somali | Cabdilaahi yuusuf oo moqdisho yimi saaka waabarigii

Cabdilaahi yuusuf oo moqdisho yimi saaka waabarigii

Font size: Decrease font Enlarge font
image cabdilahi yuusuf

Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed & Wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu soo noqday magaaladda moqdisho kadib markii in muddo ah ku maqnaayeen jabuuti

madaxweyne cabdilaahi yuusuf iyo waftigiisa oo horay loo shaacin waxaa ka qayb qaatay soo dhawayntiisa madaxdda laamaha amaanka iyo saraakiil ka socota ciidamadda itoobiya

markii diyaaraddii siday madaxweyne cabdilaahi yuusuf ayaa waxaa dhacay qaraxyo xiriir ah mana ahan markii ugu horaysay ee lala beegsado imaanshihiisa qaraxyo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo isagoo ku sugan magaalada Djibouti ee dalka Jibouti u waramayay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegay in heshiiskii ay dhawaan ku gaareen Dalka Jibouti Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta uu yahay mid loo qaaday dhinaca Nabadda.

“Heshiiskaas haddii la fuliyo qodobadii lagu gaaray waxaan u arkaa in uu yahay mid loo qaaday dhinaca Nabadda, Dowladda Fedeaalkana waxay diyaar u tahay in ay meel mariso heshiiskii la gaaray”ayuu yiri madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan in nabad iyo wada hadal lagu raadiyo xalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in qofkii doonaya in uu qori caaraddiis wax ku noqdo aysan taasi u suurtageleynin.

“Qofkii huba in uu Shacabka Soomaaliyeed taageero ka heysto, waxaana leenahay shidada iyo dagaalka iska daa ee u diyaargarow doorashada dalka ka dhici doona”ayuu mar kale yiri Maxamed C/llaahi Yuusuf Axmed.

Mar wax laga weydiiyay waxa u qabsoomay Dowladdiisa mudadii ay jirta waxaa uu sheegay in ay wax badan qabatay, wax badanna ay u harsan yihiin, “Dowladda Federaalka wax badan wey soo qabatay, wax badan oo ay qaban lahaydna waxay ka qaban weysay dagaallo lagala horyimid, haatanse waxaan qabnaa haddii dagaallada istaagaan in aan wax badan qaban karno oo aan dalka doorasho gaarsiin karno ayaan aaminsannahay”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jibouti

Download attachment Download attachment >> images_915011901.jpg

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Tags
No tags for this article
Rate this article
0
Casuura Community