Home | Wararka Somali | Dagaal Culus oo goor dhaw ka Qarxay inta u dhexeeysa tuulooyinka Nuur Fanax iyo Garisiyaan ee gobolka Hiiraan

Dagaal Culus oo goor dhaw ka Qarxay inta u dhexeeysa tuulooyinka Nuur Fanax iyo Garisiyaan ee gobolka Hiiraan

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Wararka ka imaanaya magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Janta Kundishe ay saakay halkaasi isaga tageen, iyadoo ciidamadaasi ku socday inay gaaraan halka loo yaqaano Garisyaani, ayaa inta u dhaxeysa waxaa ku qabsaday dagaal ay kaga hor yimaadeen kooxaha ka horjeeda ee ku sugan Hiiraan.

Xafiiska Shabakadda casuura Online wararka soo gaaraya waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiyaanka ay isku gadaameen halka ay dagaaladu ku qabsadeen, iyadoo la soo sheegayo in tiro ka mid ah kooxihii weerarka geystay ay qabteen ciidamada, halka ay wararku intaa ku darayaan in halkaasi ay ka dhacday qasaaro naf iyo maalba leh.

 

Dhinaca kale dagaalkan oo socday muddo ku dhow saacad, ayaa la sheegay inuu hakad geliyay dhammaanba isu socodka gaadiidka iyo dadka, iyadoo ay gebi ahaanba ciidamada Itoobiyaanka xireen wadadaasi, isla markaana halkaasi ka bilaabay baaritaano la xiriira weerarkii saakay lagu soo qaaday

Comments (1 posted):

cabdiraxmaan on 22 June, 2008 04:59:28
avatar
warka aad ayaan aanu U akhisanay Shebekada casuurana waxaanu doonaynaa inay Halkaas nagaala socoto

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Tags
No tags for this article
Rate this article
3.00
Casuura Community