Faarax Sendiko oo loo doortay Gudoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaliyed
Faarax Wehliye Caddow (Sendiko) ayaa maanta loo doortay Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya, kadib shirweyne Xiriirada Kubada Cagta iyo Naadiyada Kubada Cagta isugu yimaadeen Hotelka Lafweyn ee Magaalada Muqdisho.
Faarax Sendiko oo dhowaan ay FIFA ka qaaday xayiraadii ay ku soo rogtay kol hore ayaa horay waxaa uu usoo noqday Gudoomiyaha Olimbikada Soomaaliyed, waxaana Naadiyada Kooxaha Dalka ka dhisan si Aqlabiyad u doorteen Faarax Sendiko.
Shirweynaha 6aad ee Xiriirka Kubada Soomaaliyed ayaa lagu doortay Mr Sendiko oo bedelaha Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyed ee waqtigiisu dhamaaday Saciid Mugaambe.
Mr Sendiko oo ku sugan Dalka Mareykanka ayaa Munaasabada lagu dooranayay uu kaga qeyb qaatay qadka Taleefanka, isagoona balan qaaday inuu wax weyn ka qaban doono xiriirka soomaliyed, isla markaana uu hor marin doono.
Xiriirka Kubada Cagta Somaliyed oo ah Xiriirada ugu hooseeya Caalamka ayaa waxaa u mudooyinkii u dambeeyay ku caan baxay is qab qabsiga dhanka Maamulka iyo wax is dabarinta dhaqaalaha xiriirada lagu maamulo.
Gudiga Xiriirka Kubada Soomaaliyed ee maanta la doortay ayaa ka koobnaanaya Gudoomiye iyo Saddex Gudoomiye Kuxigeen iyo Gudi Fulin, kaasoo uu ka dhex muuqdo Kabtankii u horeeyay ee xulka Soomaaliya Maxamed Khalaf Aadan Shongole oo haatan ah Gudoomiyaha Olimbikada Gobolka Shabellaha Dhexe.
Faarax Sendiko oo ahaa Garsoore dhex dhexaadin jiray Cayaaraha Kubada Cagta ayaa horaantii sanadka ay FIFA ka qaaday xayiraad muddo 10 sano ah oo ay ku soo rogtay dhaq dhaqaaqa Isboortiga, isagoona laga qaaday Kuxigeenimada Gudoomiyaha Xiriirka Afrika




del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment