Home | Wararka Somali | Ciidamada Nigeria oo kusoo fool leh Somalia

Ciidamada Nigeria oo kusoo fool leh Somalia

Font size: Decrease font Enlarge font
image somaliya

Afhayeen u hadlay Milliteriga dalka Nigeria, ayaa shaaciyey inay rajeynayaan inay sida ugu dhaqsiyaha badan ciiddamo nabad-ilaalin ah ugu soo diri lahaayeen dalka Somaliya, si ay qeyb uga noqdaan ciiddamadda AMISOM ee hawlgalka nabad-ilaalinta ka wada dalka Somaliya.

Hadalkan kasoo yeeray dowladda Nigeria ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyay afhayeenka ciiddamadda Uganda ee hawlgalka u jooga Somaliya, Gaashaanle Barigye Ba-huku.

"Waxaa nalagu soo wargeliyey inay ciiddamadda nabad-ilaalinta Nigeria ay ku soo biiri doonaan hawlgalka AMISOM", ayuu yiri Ba-huku oo khadka Telefoonka ugu waramay wakaalladda Wararka ee Reuters, isagoo ku sugan caasimadda dalka Uganda ee Kampala, wuxuuna sheegay inuu soo dhaweynayo arintan si dadka Somaliyed ee nabadda u waashay nabad loogu soo dabaalo .

Hawlgalka ciiddamadda nabad-ilaalinta AMISOM ka wadaan dalka Somalia ayaa waxaa loo qorsheeyeey 8,000-askari, inkastoo ay haatan hawlgalaan oo kaliya ku dhawaad 2,400-Askari kuwaasoo ka kala yimid dalalka Uganda iyo Burundi.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddamadda Ugandha ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, ayaa soo dhaweeyey Heshiiskii ay DFKMGS iyo Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia dhawaan ku kala saxiixdeen dalka Jabuuti, wuxuuna sheegay inay tallaabo horseedi karta inay deganaanshaha dib ugu soo laabato dalka Somalia

Bye c/qani maxamuud xasan baroor

eamil eedhka_8@hotmail.com

Download attachment Download attachment >> nigeria_flag_544774318.gif

Comments (2 posted):

Jama on 26 June, 2008 04:40:01
avatar
It's great to see Nigeria helping Somalia. Also, remember when the late Somali president Gen. Mohamed Siyad Barre was head of OAU he also helped Nigeria which was going through civil unrest and stability. I guess I would call this tit for tat. Thanks to Allah and Nigeria.
geedajare on 04 July, 2008 04:42:51
avatar
Maxaakiimta islamka & Itoobiya oo siyaabo kala duwan uga hadley dagaaladii

Dawlada Itoobiya ayaa war ay soo saartey waxay kaga hadashey khasaare ay sheegtey inay u geysatey maleeshiyaadkii kula dagaalamayey Gobolada Hiiraan iyo Galguduud.

Wakalada wararka ee dalk Ethiopia ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan ENA oo soo xiganaysaa sarkaal sare oo ka tirsan militariga dalka Ethiopia ayaa waxaa ay sheegtay in Ciidamada Ethiopia ay bur buriyeen goobo ay fariisino ku lahaayeen dagaaliyahano ka tirsan midowha Maxkadaha islaamka iyo xooga Al Shabaab markii ay weerar ku qaadeen horaantii tododaabkii la soo dhaafay Magaalooyinka Matabaan iyo Gure Ceel ee Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Wakaalada ayaa waxa ay sheegtay in sarkaalkaasi uu sheegay in ilaa 70 ka tirsan Dagaaliyahanadaasi oo uu ku tilmaamay kuwa Argagixisa ah ay ku dileen waxaana ay sheegtay in ay ku jiraan ragaasi dhowr iyo toban saraakiil sar sare.

Hase ahaatee afhayeen u hadley kooxaha maxkamadaha Islaamiga ayaa sheegay in dhankooda inay khasaare u geysteen ciidamada Itoobiyaanak ee dagaalka kula galeen gobolada Hiiraan iyo Galguduud, iyagoo sheegay in jiraan baabuur ay ka gubeen ciidamada Itoobiyaanka iyo waliba dhimasho ay u geysteen sida uu sheegtey afhayeenkaasi u hadley maxkamadaha Islaamiga.

Tifaftiraha Guud
Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Tags
No tags for this article
Rate this article
0
Casuura Community