Home | Wararka Somali | Taliska daraawiishta G/sanaag Oo Ka warbixiyay Afduubkii ka Dhacay Lasqoray

Taliska daraawiishta G/sanaag Oo Ka warbixiyay Afduubkii ka Dhacay Lasqoray

Font size: Decrease font Enlarge font
image somaliya

Dhacdadaani ayaa waxa ay dhacday maalinimadii dorraad ahayd taasi o ka dhacday deegaanno ka agdhow deegaanka laasqoray ee gobolka sanaag waxaana lagu afduubtay dad ajaanib ah oo iyagu sida la sheegay dalxiis ahaan u marayay xeebaha deegaanka laasqoray isla markaasina ay kooxo somali ahi afduub ugu gaysteen xeebaha ka agdhow degmda laasqoray waxayna markiiba ula degeen dhinaca berriga oo ay ku kaxaysteen gaadiidka baabuurta

Maamulka iyo odayaasha g/sanaag ayaa waxaa ay u tafa xayteen sidii arrintaani loo soo afjari lahaa waxaana maalinimadii shalay ahayd maamulka iyo  cutubyo ciidamada daraawiishta ah ay u anba bexeen degmada laasqoray oo iyadu deegaanno ka agdhow qafaal loogu haysto dad ajaanib ah

Taliyaha Ciidamada daraawiishta G/sanaag C/laahi Cumar Cashuur oo isagu iminka ku sugan degmada laasqoray ee gobolka sanaag oo isagu hor kacayay cutubyada ciidamada daraawishta ee iminka ku sugan degmada laasqoray ayaa mar uu saaka u waramayay Idaacadda sbc international waxaa aannu wax ka waydiinay meeshii ay ku danbaysay arrinta ku aaddan afduubka loo gaystay dadkaani ajaanibta ah ee lagu qafaashay deegaanka laasqoray waxaana uu sheegay in arrintaasi sidii loo dhamayn lahaa oo loo soo afjari lahaa ay socotto

Taliyaha ayaan sidoo kale waxaannu waydiinnay in ay jiraan wax madax furasho ah oo ay dalbadeen kooxaha afduubka u haysta dadkaani ajaanibta ah aya waxaana uu  sheegay in wax madax furasho ah oo illaa iyo iminka la soo gaarsiiyay aanay jirin .

Waxaa annu sidoo kale taliyaha waydiinnay qaab ay doonayaan  in ay u xalliyaan arrintaani oo ay wax uga qabtaan  ma qaab military baa mise qaab waanwaan waxaana taliyaha uu sheegay in ay arrintani tahay arrin aan la dhayal san karin isla markaasina u baahan dadaal dheeraad ah balse waxaa uu sheegay in haddii laga fursan waayo talaabo la qaadaa aanay laga maarmaanahayn

Ugu Danbayntii taliyaha waxaa annau waydiinay in ay wax kal socdaan dadkaani ajaanibta ee afduubka loo gaystay xaaladooda caafimaad meesh ay marayso waxana uu sheegay in ay mel wanagsan marayso oo xaalkooda caafimaad uu wanaagsanyahay

Isku soo wada duuboo falkaani afduubka loogu gaystay dadkaani ajaanibta ah ayaa waxaa uu ka mid  yahay falalka ay xeebaha waddanka somlaia ay si baan uga wadaan kooxaha caadaysty in ay qafaashaan maraakiibta iyo dadka ajaanibta ah ee gooshaya xeebaha somalia iyadoo ajandahooda ugu wayn ee ay ka leeyihiinna uu yahay sidii ay dhaqaale uga heli lahaayeen

Bye c/qani maxamuud xasan baroor

Email eedhka_8@hotmail.com

Comments (3 posted):

Abdillahi Farah Bile on 29 June, 2008 11:09:41
avatar
Falka budhcadnimada iyo argagixisinimada isku jira ee loo geystey dalxiisyada reer Jamal, waa mid muddan in la cambaarayo isla markaanaa muddan in talaabo milateri la qaado.
Xumaan ayey faleen, waa in ay xamaan helaan, haddii kale waxaa la dhaxlaya deg-xumo la mid ah tan Maamulka Cadde Muse.
sahra on 13 July, 2008 12:11:42
avatar
harti waa inuu maanta is difaacaa ama dir waqooyi isu dhiibaa sidani si maaha ma laascaanood oo isaaq loo hibeeyey ayay tan laasqorayna raacday walee magac xumo weyn baa soo korortay
on 13 July, 2008 12:18:17
avatar
ade muuse xilka halaga qaado markii c/laahi yuusuf maamulayey ptlnd arintu sidan may ahayn odaygu hayska nasto, plnd hala badbaadiyo maanta hareeraha ayaa laga soo galay

laaska hala xoreeyo ceeb ayaanu dunidii la mariwaynay dhulos dhiini qaatow ceebowde taariikhdii aduunka aad ku lahaydeen ee laybereriyada aduunka taalay ee aad ingiris kula dagaalanteen meday gabadhiinu guur malaha

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Tags
No tags for this article
Rate this article
0
Casuura Community