Natiijada Nabadayntii Beelaha Gobolka Cayn Oo Guul Ku Soo Gebo-Gebowday
Waxaa subaxnimadii saaka loo dareeray goob aan ka fogayn magaalada Buuhoodle, oo ah Dugsiga Hoose/dhexe Ee Darwiish, halkaas ay isugu tageen dadwayne aad u tiro badan, oo muddo baxnaaniyey go'aanka ka soo bixi doona guddi ka koobnayd 11 Xubnood, oo loo xilsaaray inay soo gebo-gebeeyaan natiijada iyo go'aanka kama dambaysta ah, oo ahaa xukun ay labada dhinacba horey uga afqaadeen inay ku qancayaan waxa ay soo guddoomiyaan guddidaasi.
Waxayna ku gudo jireen 20 maalmood, oo lafo gurka hawsha ah, waxaana Guddoomiye ka ahaa
Caaqil Cabdillaahi Cabdi Xasan Dayl (Dugsi), halka Guddoomiye ku xigeenna uu ka ahaa Xaaji Cabdi Muuse Nuur, Xoghayna waxaa ka ahaa Macow.
Haddaba subaxnmadii saaka guntii iyo gebo-gebodii la soo gaaray, waxaa iyadoo loo dhan yahay shirku furmay 9:00am, waxaana Aayaado Qur'aanka Kariimka ah iyo wacdi waano ah ka jeediyey halkaas Sheekh Cumar Soodaani.

Kadib waxaa halkaa ka istaagay Xoghayihii Guddiga Macow, isagoo halkaa ka akhriyey Ajandaha aan saaka la dhaafi karin, ee uu ku saabsan yahay. Sidoo kale wuxuu halkaa ka sheegay cidda loo qorsheeyey inay ka hadlaan shirka, haddii ay tahay labada garab, guddida iyo Isimadaba, isagoo hadalkiisa sii watay waxaa uu akhriyey go'aamadii ay guddidu muddada u fadhiyeen, soona go'aamiyeen uguna talo geleen inay ku kala bogsoodaan labada beelood ee walaalaaha ahaa. Qodobadaas oo ka koobnaa 6 qodob, kuwaasoo dhaqan gelaya marka ay isla qaataan labada dhinac, oo ka bilaabmaysa maanta oo bishu tahay 28kii Juun ee 2008, waxayna qodobadu kala ahaayeen:-
1. In labadii nin ee 9kii Juun ku dhintay Tuulada Sararar-Wayne laba bixiyo ninkiiba 20,000,000 (labaatan milyan) oo duug ah, waxayna guddidu sheegeen in qodobkaasi fulay.
2. In labada nin ee dhintay aanu ka xukunay mag dhan 120 halaal midkiiba.
3. In beesha Hayaag ku bixiso magta muddo ah afartan maalmood, oo ka bilaabmaysa 28ka Juun oo ah maanta.
4. In beesha Hayaag bixiso Ganaax dhan $5000 (shan kun oo dollar), oo ah ganaax nabad jabineed.
5. Laga bilaabo 28ka bishan Juun wixii dambe ee dil ah ee dhaca, ee ku saabsan arrintan labada beelood ee Hayaag iyo Hagar lagu qaado Xukun Qisaas ah, una taalla qofka gaystay oo kaliya ah, laakiin aan dhibaatadu saamayn beelaha.
6 In xaajadii hore ee dhex taallay labada beelood ee lahayd dhaawacyada sidoo kale gabdhaha godob reebka ah hawshooda la bilaabi doono afartankaa maalmood ka bacdi, lana dhamaystiri doono.
Xoghayahu waxa uu intaa raaciyey isagoo magacaabay Ajandaha hadalka ee u qorshaysan guddida, waanu magaacabay cidda hadli doonta, waxaanu sheegay inay guddida u hadli doonaana Guddoomiyaha guddida Caaqil Cabdillaahi iyo ku xigeenkiisa Xaaji Cabdi Muuse Nuur, dhinaca beesha Hayaagna ay u hadli doonaan Caaqil Xasan Ciise Wacays iyo Caaqil Cabdi Jaamac Gaydh, halka dhinaca beesha reer Hagarna ay u hadli doonaan oday Ibraahin Cali Shire iyo oday Cismaan Baxnaan.
Waxaana hadalkii uga dambeeyey guddoomiyihii guddida, isagoo sheegay mahadnaq badan, oo uu u soo jeediyey dhinaca dhibaabuhu gaadheen, oo ku simay ka baaran degga daawaynta ay u fahiyeen. waxaanu marlabaad u mahad-celiyey dadwaynaha deegaanka wax maqan iyo wax madasha fadhiyaba iyo Isimada labada garab, oo kala ahaa:
Garaad Cabdillaahi Garaad Soofe iyo Boqor Cabdillaahi Axmed Cali, oo aan mar qudha kala hadhin riixista arrinkan iyo talo galyadeeda, ka dibna waxa uu faahfaahin ka bixiyey qodobada lixda ah ee oo dhammaantood iswada kortaagay, isagoo jilciyey sababta qodob walba ay sidaa ugu garteen. Waxaa sidoo kale isna hadalka qaatay ku xigeenka guddida Xaaji Cabdi Muuse Nuur, oo isaguna naaxnaaxin ku kordhyey hadalka guddoomiyuhu sheegay ee go'aanka ahaa, isla markaana wacyi gelin u soo jeediyey labada beelood, taasoo ka hadlaysay in nabadda la adkeeyo.

Waxaana hadlku u soo wareegay dhinacyadii labada beelood, waxaana hadalka ku horreeyey Beesha Hayaag, oo uu u hadlayey Caaqil Xasan Ciise Wacays, isagoo sheegay in go'aamada ay guddidu soo go'aamiyaan inay si buuxda u qaadanayaan, isagoo ku hadlaya magaca beesha Hayaag, waxaa isna sido kale hadalka qaatay Caaqil Cabdi Jaamac Gaydh, isagoo sheegay in waxii nabad lagu helayaba ay diyaar u yihiin inay taageeraan, madashana ay ka qaateen go'aankaas la soo gaaray.
Dhinaca kale waxaa u hadlay beesha Reer Hagar oday Ibraahim Cali Shire, isagoo sheegay inuu ku hadlayo magac beesha reer Hagar inay horey ugu soo gudbiyeen guddida go'aanka beeshiisu gaadhay, oo ah inay qaadanayaan waxkasta oo nabad lagu helayo oo loo soo jeediyo.

Waxaa isna hadalka uga dambeeyey oday Cisman Baxnaan, oo taariikh badan iyo waayo aragnimo soo joogay, sheegayna inay waajib tahay in nabadda la qaato xaggoodana ay ka go'an tahay.
Waxaana gunaanad iyo gebo-gebodii Shirka ka hadlay Boqor Cabdillaahi Axmed Cali, oo ku hadlay magaca Isimada, kuna duceeyey, hadallo waano ahna u soo jeediyey labada dhinacba


Boqor Cabdillaahi Axmed Cali iyo Garaad Cabdillaahi Caaqil Dugsi Iyo Xaaji Cabdi


Odayaasha Beesha Reer Hagar Xoghayihii Go'aanka Macow


Caaqil Dugsi Oo Hadlaya Caaqil Dugsi Oo Fadhiya Shirka


Caaqil Xasan Ciise Ibraahim Cali Shire

Boqor Cabdillaahi Oo Hadlaya Shacabka





del.icio.us
Digg
Comments (1 posted):
taasi waxay ku tusaysaa in meeshaas ay weli ka buuxaan dhulbahantihii asalka ahaa
Post your comment