Home | Wararka Somali | Weerar xalay ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo kooxdii weerarka qaaday oo rag laga dilay

Weerar xalay ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo kooxdii weerarka qaaday oo rag laga dilay

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Kooxo hubaysan ayaa xalay Bam-Gacmeed ku weeraray laanta horseed ee xaafadda Suuq-Bacaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Ciidamada dowlada KMG ee ku sugan laanta Horseed iyo kooxo hubaysan ayaa muddo kooban tacshiirad xoog leh isku waydaarsaday nawaaxiga laanta Horseed ee xaafadda Suuq-Bacaad. Inkasta oo aan la ogayn wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas ayaa waxay casbsi weyn iyo khal-khal ku keentay shacabka deegaanka Suuq-Bacaad ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogayn dhibaatada u weerarku gaystay ayuu haddana Guddoomiyaha degmadaasi Yaaqshiid Muxudiin Xasan Jurus sheegtay in ay dileen mid ka mid ah kooxihii weerarka ku soo qaaday laanta Horseed, waa sida uu hadalka u yiriye. Haseyeeshee lama hayo ilo madax banaan oo cadaynaya in ay ciidamada dowladda KMG ay dileen mid ka mid ahaa kooxihii weerarka ku soo qaaday laanta.

Ma aha markii ugu horaysay oo ciidamada dowladda KMG ah lagu qaado weerar noocaan oo kale ah, gaar ahaanna ciidamada ku sugab laanta horseed ee xaafada Suuq-Bacaad.

Falaka noocaan ah ayaa waxay qayb ka yihiin falalka amni darrada ah ee sida joogtada ah uga dhaca magaalada Muqdisho iyo magaalooyin badan ka mid yihiin, Baydhabo, Gaalkacyo iyo B/weyne.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Tags
No tags for this article
Rate this article
0
Casuura Community