Home | Wararka Somali | G/Gaduud:Dagaal gaystay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galguduud

G/Gaduud:Dagaal gaystay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galguduud

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Degmada Guriceel ee gobolka G/gaduud ayaa waxaa xalay ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawacba. Dagaalkaas oo dhexmaray ciidamada Ethopia iyo kooxaha ka soo horjeeda ee ku sugan Guriceel iyo nawaaxigeeda.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa waxaa xalay dagaal aad culus uu ka dhacay magaalada Guriceel. Dagaalka oo u dhexeeyay ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ethiopian-ka iyo siyaasadda dowlada KMG ahba.

Dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Guric ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo rayid ah waxaana uu dhaawac soo gaaray laba kale ka dib markii uu madfac ku dhacay guri ku yaala gudaha magaalada guriceel. Qasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii isku farasaaray goobta dagaalka ayaan la ogayn qasaaraha kala gaaray.

Goobihii lagu dagaalamay ayaa waxaa ka muuqda raadadkii dagaalka xalay ka dhacay degmadaasi Guriceel.

Inta badan dadkii degannaa magaalada Guriceel ayaa kala ka qaxay goobaha uu gagaalku ka dhacay ayagoo aad uga cabsi ka qaba in ay waxyeello ka soo gaarto ciidamada Ethiopian-ka.

Xaaladda magaalada Guriceel ayaa haatan ah mid degan waxaana ciidamada Ethiopia ay ku sugan yihiin goobihii ay shalay fariisinka ka samaysteen

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Tags
No tags for this article
Rate this article
0
Casuura Community