Home | Wararka Somali | Nelson Mandela oo laga saarey liiska Argagixisada Mareykanka.

Nelson Mandela oo laga saarey liiska Argagixisada Mareykanka.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Nelson Mandela madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo iminka 90 jir ah ayaa Congress-ka Mareykanka ka saarey liiska Argagixisada Mareykanka waxaase weli dhiman saxiixa madaxweynaha Mareykanka G.W.Bush. Mandela iyo ururkiisi xornimo doonka ahaa National African Congress oo la dagaalami jirey  dowladii hore ee Koonfur Afrika ee ku dhisneyd mabda'ii midab kala sooca ahaa ayaa dowlada Mareykana xiligii uu madaxda ka ahaa Ronald Reagan ku dareyn liiska Mareykanka ee Argagixisada.

Mandela ayaa mabnuuc ka ahaa in uu yimaado wadanka Mareykanka waxa keliya loo ogolaa in uu booqdo xurunta Qaramada Midoobe ee New York marka uu halkaa booqanayana waxaa  la siin jirey Visa (dal ku gal) qaas ah oo bixin jirey xoghayaha arimaha dibada ee Mareykanka.

National African Congress oo ah Mandela madaxda u ahaa ee la dagaali jirey xukuumadii midab kala sooca iyo Al Qaacida ayaa isku liis ahaa oo uu Mareykanka u aqoonsanaa ilaa iyo 29 Jun 2008 ururo Argagixiso ah.

Liiska Argagixisada Mareykanka waxaa weli ku jira Madaxeynaha Koonfur Afrika iyo madax kale oo Koonfur Afrika ah oo xubin ka ahaa ururkii Mandela, National African Congress oo iminka ah xisbiga talada haya.

Arinta cajiibka ah ee dowlada Mareykana ku dhaqanta oo caalamka la yaabanyahay ayaa ah in Mareykanka liiska Argagixisada ku darey jabhada la dagaalanta dowlada Turkiya PKK, balse isla jabhad kale oo Kurdidu leeyihiin oo la yiraahdo KADEK oo la dagaalanta dowlada Siriya iyo Iraan kuma jirto liiska Argagixisada Mareykanka, labada Jabhadoodna isku howl ayey fuliyaan.

Marka waxaad garan kartaa in liiska Mareykan ee Argagixisada uu yahay liis la siyasadeedey laakiin aan lahayn liis leh xeer iyo sharuuc loo raaco.

 

Comments (2 posted):

sahra on 02 July, 2008 06:25:51
avatar
Maraykanka hooyadii ayuu kadarayaa aakhirka argagixisada
cajaaib on 08 July, 2008 05:21:03
avatar
waa wax lagu qoslo
walaahi

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Tags
No tags for this article
Rate this article
0
Casuura Community