Home | Wararka Somali | Maleeshiyaadkii Cubayd Dhaawaca U Gaystay Oo Nin Kale Ku Dhaawacay Isla Goobtii

Maleeshiyaadkii Cubayd Dhaawaca U Gaystay Oo Nin Kale Ku Dhaawacay Isla Goobtii

Font size: Decrease font Enlarge font
Duleedka Tuuladda Oog waxay Maleeshiyaad loo malaynayo inay yihiin kuwii horay waddada ugu galay Darawalkii Cubayd Ducaale ay habeen hore isla goobtii waddada ugu galeen baabuur laga leeyahay magaalada Laascaanood.

 

Baabuurkan oo ka yimi Burco, ayaa maleeshiyaadku isku dayeen inay joojiyaan Baabuurkan, laakiin Darawalkii ayaa diiday inuu joojiyo, taas oo sababtay inay rasaas sidii roobkii ugu furaan baabuurkan, waxaana ku dhaawacmay nin ganacsade ahaa oo ka soo jeeda degmada DHAHAR ee Gogolka Sanaag.
 
Ganacsadahan oo lagu magacaabo  Xasan Maxamed, ninkan la dhaawacay, ayaa la sheegay in Maleeshiyaadkan dhaawacay, inay yihiin kuwii horay dhaawaca culus ugu gaystay Cubayd Ducaale Danlaawe, oo dhaawicii markii dambe u dhintay.
 
Falalakani ma aha wax ku cusub Deegaankan, gaar ahaan kuwa dhaqan magaalada Laascaanood ee waa wax ka mid noqday nolal maalmeedkooda, taasoo ka dhalatay kadib markii Maleeshiyaadka Isaaqu qabsadeen inta badan dhulweynihii SSCayn. Falkani waa kii labaad ee ka dhaca waddadaas, iyadoo aysan jirin habayaraatee cid ka hadashay dambiyadan budhcadnimo.
 

Dhinaca kale Maleeshiyaadka Isbaarooyinka la fadhiya labada waddo ee bariga iyo galbeedka magaaladda Laascaanood, ayaa ku soo rogay waxay ugu yeedheen Canshuur, taasoo ka badan qiimihii laga soo bixiyay Badeecadda. Arrintan ayaa markii dambe qasab kaga dhigtay ganacsatada, inay  kusoo galiyaan  badeecadahooda waxa loo yaqaano Kontarabaanka ama dhuumaasho

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Tags
No tags for this article
Rate this article
0
Casuura Community