Dowladda Soomaaliya oo dhaleeceysay weerarada ka dhanka ah shaqaalaha gargaarka
Dowladda federalka Soomaaliya ayaa dhaleeceyn daran u jeedisay weerarada sii soconaya ee ka dhanka ah shaqaalaha gargaarka, iyadoo hada ay la heystayaasha dhanka gargaarka ka shaqeeya kusoo biireen shan ruux oo Soomaali ah oo u shaqeynayay hey’ada la yiraahdo Water for life.
Afhayeenka dowladda federalka Soomaalaiya Mudane cabdi Xaaji Goob Doon ayaa u sheegay wakaalada wararka Irin in weeradada noocan oo kale ah ee ka dhanka ah shaqaalaha gargaarku ay yihiin wax aan laqaadan Karin dowladduna ay aad u dhaliileyso.
“Dowladda Soomaaliyeed way ku cel celineysaa in ay aad uga xuntahay fal dambiyeedyada ceynkan oo kale ah”ayuu yidhi afhayeenka dowladda federalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob Doon.
“Siyaasada dowladdu waxaa ay tahay intii karaankeeda ah in ay la dagaalanto kuwa dilaya ama qafaalanaya shaqaalaha gargaarka ee usoo guntaday in ay shacabka Soomaaliyeed wax taraan”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay afhayeenku.
Mr.Gobdon waxaa uu sheegay in dhacdooyinka noocan oo kale ahi ay sii wiiqayaan dadaalada beesha caalamka ee ku aadan in wax weyn loo qabto shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatoonaya.
Rate this article




del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment