Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta soo gaaray magaalada Nairobi.
Madaxweynaha Jamhuuriyada federalka Soomaaliya mudane cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo maalmahan ku sugnaa dalka Masar ayaa maanta soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Sharmal Sheekh ee dalka Masar kagasoo qeyb galay kulan madexeedkii hogaamiye yaasha dalalka Afrika oo waxyaabihii looga hadlayna ay ka mid ahayd sidii dalka Soomaaliya loo geyn lahaa ciidamo nabadda Ilaaliya oo caalami ah loona soo dhameystiri lahaa kuwa Afrikaanka.
Wafdiga madaxweynaha ayaa magaalada Nairobi waxaa kusoo dhaweeyay diplomaasiyiin ka socota safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya,xildhibaano iyo dad weyne farabadan oo Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Kenya.
Wafdiga madaxweynaha ayaa lagu wadaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu dalka dib ugusoo laabto.
Rate this article




del.icio.us
Digg
Comments (1 posted):
Hada markii uu taag u waayey uu Somaliland 500 oo nin u waayey oo hor fadhiisata ayuu sheegay in marka nabadi dhacdo Xamar Waqooyi iyo Koonfur loo heshiinayo.
Sowkii ayaantii hore hanjabayee lahaa dagaal baan soo qaadayaa muxuu dagaal usoo qaadi waayey?
waxaas saaxiibaal mar danbe Madaxweyne haku sheegina, amxaarada ku daba gabanaya.
Post your comment