Home | Wararka Somali | Qarax Bambaano oo lagu weeraray Xarun ay leeyihiin Ciidamo ka tirsan Dowladda Gudaha Magaalada Baydhabo

Qarax Bambaano oo lagu weeraray Xarun ay leeyihiin Ciidamo ka tirsan Dowladda Gudaha Magaalada Baydhabo

Font size: Decrease font Enlarge font

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in qarax Bambaano lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Qaraxan oo ahaa Bam gacmeed ayaa lala abaaray Xarun Ciidamada Minishiibiyada ku leeyihiin Bartamaha Magaalada Baydhabo, iyadoo uu dhaawac soo gaaray 3 ka mid ah Ciidamadaas.

Ciidamada Dowladda ayaa xiray goobtii uu qaraxa ka dhacay, iyadoona dad rayid ah soo qab qabtay oo ay ku jiraan dad ku dhaawacmay qarax Bambaanada.

Saraakiisha Booliska Baydhabo ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan weerarka ka dhacay Magaalada oo aanay aheyn wax cusub.

Magaalada Baydhabo oo ka mid ah Goobaha Dowladda Soomaliya ka howl gasho ayaa waxaa ka soconaya kacdoono ballaaran oo lagaga soo horjeedo Ciidamada Ethiopia oo taageeraya kuwa Soomaalida, waxaana weeraradaas u muuqdeen maalmihii u dambeeyay kuwo isa soo tarayay

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Tags
No tags for this article
Rate this article
0
Casuura Community