Aqoonyahan Bile Faarax Oo soo gaadhay Buuhoodle.
Mid kamid ah aqoonyahana Udhashay G/cay nee ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta soo gaadhay magaalada Buuhoodle ee xarunta G/cayn halkaasi oo siwayn loogasoo dhaweeyay .
Aqoonyahanku wuxuu ka qaybgalay doorashada xildhibaanada kinilka 5aad ee ismaamulka soomaalida Ethiopia sanadii 2003.
Dhanka kale aqoonyahanka ayaa waxaa loogu doortay gudoomiye ku xigeenka jaaliyada beesha reer hagar Ahna Sii hayaha xilka gudoomiyaha ee wadanka maraykanka waxaana lagui doortay shir balaadhan oo ay isuugu yimadeen aqoon yahana iyo waxgaradka beesha reer hagar ee cariga maraykan shirkaas oo ka dhacay magaalada columbus ohio 02/16 /08.
Sikastaba ha ahaatee Aqoonyahan Bile faarax ayaa wuxuu ugu baaqay Aqoonyahanada kunool dalka dibadiisa inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo si ay wax ugu qabtaan dalkooda iyo dadkoodaba.
allcayn




del.icio.us
Digg
Comments (1 posted):
Lama garanayo sababta keentay dilka, iyo waxa uu la xidhiidho, laakin Waxa uu taliyaha qeybta Booliska Magaalada Burco waxa uu sheegay in gacanta lagu hayo ninkii dilka geystay
Sida waxa Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com u xaqiijiyey Taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Togdheer Axmed Maxamed Guutaale oo aanu goor dhaweyd khadka telefoonka kula xidhiidhnay, isaga oo wakhtigaa ku sugnaa Magaalada Burco.
Taliyaha Qeybta Booliska ee Burco Axmed Maxamed Guutaale oo ka hadlayey dadka la dilay waxa uu yidhi “Waxa la dilay 2 qof oo mid ka mid ahi yahay Madaxa debi baadhista ee Saldhiga Faarax Oomaar, laba kalena way dhaawacmeen, nin ayaana falkan geystay, Boolisku gacanta ayuu ku hayaa ninkii falkan geystaya”
Isaga oo hadalkiisa sii watana Taliyuhu waxa uu sheegay inaan la garanayn sababta ninka gacan ku dhiiglaha ahi dilka u geystay, basle ay gacanta ku hayaan ninkii dilka geystay, oo ay Ciidamadu baadhayaan wixii keenay dilka..
Maaha markii ugu horeysay ee magaalada Burco dad aan waxba galabsan la toogto oo qudha lagaga jaro, dilka ayaad mooda inuu beryahan danbe caadi ka noqday Magaalada Burco, taasina ay wel wel badan ku beertay dadku ku nool Gobolada kale iyo haweenka iyo caruurta ku nool Gobolka Togdheer ee Burco.
Hadhwanaagnews.com/Office
Burco/Somaliland.
Post your comment